|
Shacabkii iska diid ku adeegashadiiniiyee!!!..
Kaddib
bur burkii dowladii dhexe ee siyaad bare dalku
wuxuu soo maray 19sano oo dagaal iyo barakac ah,
dadka soomaaliyeedna wexeey ka soo daaleen colaadda
daba dheeraatey ee loo waayey maskax caafimaad qabta
oo xalisa, inkastoo ay jireen isku day shirar
badan oo ka dhacay dalka gudihiisa iyo
dibadiisaba si daawo loogu helo arintan murugada leh
bulshaduna ay u hesho dowlad qaran oo dhidibada loo
taago. Nasiib daro taasi ma dhicin ,oo dowladii la
soo dhisaba waxaa isla markiiba is hor taagayey
shaqsiyaadkii dalka soo burburiyey ayagoo ku
andacoonaya waa dowlad xag jir ah looma dhama danta
umadu kuma jirto dadkii dalka u soo halgameyna waa
la xaqirey .iwm
Waxaa la yaab ah mar hadii aysan helin xil
ay ku qancaan waxaa uu go aankoodu yahay in ay
ka hortagaan dowladii timaado balse shacabka
soomaaliyeed ayaa iyagu ahaa mar walba kuwa aan
qaadanin go,aan ayuga hortagaan kuwa fiirsanaya
danahooda gaarka ah,isla markaana sacabada u
tuma iyagoo lagu beer dulucsado qabiil iyo
wax aan jirin, waxaa wax lala yaabo ku noqotey
caalamka in dad ah isku diin isku af isku
dhaqan ay gaari waayaan hishiis iyadoo la
ogyahay in soomaalidu ay geed hoostiis
arimahoodoo dhan ku xalisan jireen sidoo
kale waxaa wax lagu yaqyaqsoodo ah in nin
sheeganayo muwaadinimo soomaaliyeed isla
markaasna muslim ah uu dalal shisheeye inta uu
ka soo qaato hub iyo saanad hadana kula
soo hishiiyo inuu burburiyo dalkiisa iyo
dadkiisa, isagoo u arka in dantiisa gaar
ahaaneed ay ku jirto.
Hadaba dadkii 19ka sano hor taagnaa nabadda iyo
dowlad ka dhalata gayigeena soomaaliya
shaatigeey doonaanba ha qabaanee waxaan u
sheegayaa in shacabkii soomaaliyeed meelkasta ay
joogaanba maantay ay fahmeen xiligaas dheer
dadkii hor taagnaa in xal la gaaro isla markaana
aysan suurta gal ahayn in shaati kale loo soo
gashto, maahmaah hore oo araneysa ayaa jirta mar
i dage alaha dago mar labaad i dagese anaa is
dagey oo aan ula jeedo umadda soomaaliyeed
fursadaan dowladaan hada la soo dhisey hadii ay
hanan weeyso in ay ayaga is dageen sababtoo ah
wax walba weey ka dharagsan yihiin lamana qaldi
karo.
Waxaa caalamku uu gaarey maantey horumar xaga
doorashada ah oo musharaxa xilka kugula
tartamaya hadii uu uga guuleeysto
kan kale waa la is gacan qaadaa musharaxii laga
guuleeystana waxuu balan qaadaa inuu la shaqeeyn
doono dowladda isagoo fiirinaya danta
umadooda,waxaa macquul ah inuu doorashada danbe
asna uu ku guuleeysto sababtoo ah waxuu
qabanayaa howlo wanaagsan oo uu ku soo jiidanayo
shacabkiisa sidoo kale waxa ay sameeyaan dadka
doonaya kursiga madaxweynenimada waxeey soo
qabtaan howlo wax ku ool ah oo la taaban karo
sida waxsoosaar iyagoo caawiya beeraleyda ama
fura iskuulo waxbarasho iwm.
Halka hogaamiyaasha soomaaliduna kii iska
arki waayo kursiga hore ama jagada uu rabo uu
isla markiiba ku baaqo dagaal cusub oo lala galo
dowladda markaas dhalata.
Balse waxaa isbedel weyn muujiyey shacabka
soomaaliyeed oo iyaga awal ahaa kuwa lagu
adeegto inta lagu gaarayo danaha gaarka ah ee
laga lahaa waxaa nasiib wanaag ah in maantay ay
si weeyn u soo dhoweeyeen dowladan cusub ee
uu madaxweynaha ka yahay sh shariif,
si mar uun ay u helaan dowlad midnimo qaran leh
maadaama ay si weeyn u sugayeen mudo dheer.
Waxaa wax lagu farxo ah in dowladaan ay waxbadan
uga duwan tahay dowladihii horey loo soo dhisi
jirey sida baarlamaankii hore waxuu ka koobnaa
dad laga soo dhex direy beelahooda sababtaasna
waxeey dhalisey in ay yaraadaan dad aqoon leh
ama dhalinyaro ah balse baarlamaanka hada la soo
kordhiyey ee dowladda cusub ayaa waxaa la
rajeynayaa ineey ka mid noqdaan ururadda
bulshada rayidka oo sida la wada ogyahay howlo
badan ka soo qabtay wadanka xiliyadii uu ugu
xumaa waxaa kale oo dowladaan hogaanka ugu
sareeya haayo rag dhalin yarro ah oo
aqoon halka dowladihii horey u
fashilmey ay hogaaminayeen rag howlgab ah,
guntii iyo gunaanadkii maqaalkeeygaan waxaan uga
digayaa dowladaan cusub dagaal sokeeyo burbur
iyo barokac eex qabiil ninjecleysi iyo in eey
noqoto mid shisheeyuhu ku adeegtaan.waxaan ugu
baaqayaa dib u heshiisiin isku tanaasul.
Wax soo saar wadanimo
Si
kastaba ha ahaatee waxaan weli la ogeyn sida ay
u shaqeeyn doonto dowladdaan cusub iyo waxa ay
dalka iyo dadkaba ku soo kordhin karto balse
waxaa jirta oraah soomaaliyeed oo oraneyso
barasho horteet ha i nicin shacabka
soomaaliyeedna waxaan ugu baaqi lahaa in ay ka
dhur sugaan dowladooda u dhalatey waa la
doogiyee yaan la dacaroon.
W/D: Fardowso Sheekh Xasan Kuuriya
fardowsak@hotmail.com |