English   Somali  

   

 
   
 



 

Munasabad loo sameyey haweenka Soomaalida oo ka dhacday Nairobi.

Munaasabad lagu weeynaynayay kaalinta ay haweenku ku leeyihiin nabadda iyo waxqabadka dalka Soomaaliya ayaa laug qabtay Guriga Elezabeth ee magaalada Nairobi, Munaasabadaan ayaa waxaa soo agaasimay safaarada Mareykanka qaybta u qaabilsan arimaha bulshada.

Munaasabada ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin ka socotay safaarada Mareeynkanka, ururada bulshada rayidka, wasiiro ka tirsan dowladda KMG, ururada bulshada rayidka, fanaaniin iyo masuuliyiin ka socotay ururka WOJA.


Qaar ka mid ah haweenkii kasoo qaybgalay munaasabada

Fanaaniinta Waayaha Cusub ayaa munaasabdaan ku soo bandhigay heeso lagu amaanayo waxqabadka dumarka iyo dawrka muhiimka ah oo ay ku dhex leeyihiin bulshada sidoo kale waxay faniintaan dhalinyarada ah qaadeen heeso lagu wacyigelinayo dumarka inay ka qaybqaataan nabadda iyo horumarinta dalka. 


Dhalinyarada waayaha cusub oo heeso lagu amaanayo dumarka ka qaaday munaasabada

Wasiirka Qorshaynta Qaranka dowladda KMG Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay munaasabadaas ayaa ugu baaqay haweenka Soomaalida inay ka qayb qaataan nabadda maadaama ay yihin aasaaskii bulshada.


Wasiirka qorshaynta Qaranka C/raxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay munaasabada

Caasho Xaaji Cilmi oo ka mid ahayd haweenkii ayaa waxay sheegtay in haweenku dawr muhiim ah ka qaateen kaddib markii dagaalada sokeeyey ay ka qarxeen Soomaaliya “haweenka Soomaaliyeed horay ayay geesiyaal u ahaayeen haday yihiin hadhoow baan waxaan ka sugaynaa kuwaan horteyda taagan inay geesiyaal noqdaan, waxaan ku mutaysanay inaan magaca qaadano”


Caasho Xaaji Cilmi dhexda "waxay kasoo qaybgashay munaasabada"

Caasho waxay sidoo kale sheegtay in haweenka dhibaatooyin loo gaystay “18kii sano oo Soomaaliya dagaalka ka socday dowlad la’aantana ay ahayd haweenka Soomaalida waa la kufsaday waa la dhacay waa lagu xadgudbay ragii baa laga dilay waa la agoomeeyey wiilashii baa laga dilay waa la gablamiyay waxaas naxdinta badan ee culeeska badan ee ku dhacay haweenka Soomaaliyeed waxay uga jawaabeen geesinimo” 

Haween farabadan oo kasoo qaybgalay xafladaan ayaa waxaa lagu gudoonsiiyay abaal marino iyadoo sidoo kale ay qudbado muhiim ah kasoo jeediyeen munaasbada, ugu dambeyna waxaa munaasabada lagu soo gabagabeeyey baraanbur lagu amaanayo waxqabadka haweenka iyo dawrka muhiimka ah ay ku dhexleeyihiin bulshada Soomaalida.


Qaar ka mid ah hawenkii kasoo qaybgalay xaflada

Waa munaasabadii 2aad ee safaarada Mareynkana qaybta arimaha bulshada u qaabilsan ay usoo qabanqaabiso haweenka Soomaalida muddo 2 sano gudahooda ah.

Sahro Maxamuud "koronto"
sahrokeef@hotmail.com
Nairobi - Kenya

 
 
 
 
 
 
 
 
 
Home | About us | Members | Programs | Reports | Feedback | Contact Us
Copyright © by WOJA All Rights Reserved
Designed and Hosted by Afrotech