|
Dibaatooyinka ay shaqaalaha warbaahintu la
kulamaan.
Dhinacyada isaga soohorjeeda siyaasada Somalia
ayey shaqaalaha warbaahintu kala kulmaan
dhibaatooyin baaxadweyn sida dilal bareer ah,
dhaawacyo, xarig, jirdil, iyo hanjabaadyo joogta
ah maadaama ay dhincayad oo dhan u cuntameynin
marnaba in xaqiiqda lagasheego hardankooda
siyaasadeed iyo dhibaatada ay bulshada kuhayaan
runkasheegida waxa dhacayana u arkaya mid iyaga
laguwaxyeeleynayo , iyadoo saxaafadu aytahay
awooda 4raad ee dalka ayaanay siyaasiinta
somaliyeed tixgalinin xuquuqda saxafiyiinta iyo
xuriyada hadalka manajirto cidkalaxisaabtameysa
arinmahaasi.
Inkastoo
wariyaasha somaliyeed qudhoodu lagu xanto
inaanay runta kasheegin waxyaabaha jira una
xagliyaan beelaha ay kasoo kala jeedaan taasoo
aanan sal ku laheen shuruurcda saxaafadeed iyo
anshaxa waxaana taasi keeni karta aqoonta
saxaafadeed ee saxafiyiinta somaliyeed qaarkood
oo liidata. Waxey saxafiyiinta sidookale
dhibaato qarsoon kala kulmaan milkiilayaasha
warbaahineed oo ah kuwo aan aqoon duruqsan u
laheyn saxaafada balse xaruumaha u furtay qaab
ganacsi kuna tunta xuquuqda shaqaalaha, iyagoo
inta badan ku amra meel marinta ama baahinta
hadafkooda siyaasadeed. Waxey wariyaasha qaar
helaan mushaar anay kufilneen halka kuwa qaar
aananba helin mushaar kuna shaqeeya iskaa wax u
qabso.
Sikastaba ha’ahaatee dhalinta kujirta mehnada
saxaafadeed ayaad moodaa in waayadaan danbe
iskudayayaa sidii ay uga hoos bixi lahaayeen
awooda milkiilayaasha goobaha warbaahinta iyagoo
lasoo baxay madaxbanaani shaqsiyadeed oo ay ku
sameysanayaan websiteyo iyo jaraaidyo ay
kubaahinayaan aqoontooda saxaafadeed, iyagoo
tabiya xaqiiqda jirta ee dunida kadhaceysa,
gaar ahaan Somaliya. Wariyaashu waxey sheegeen
iney ku faraxsan yihiin wariyaal hadana ah
milkiilayaal si loohelo warar sugan loogana
baxo dhibaatada baaxada leh ay wariyaasha
somaliyeed ku shaqeeyaan, waliba kuwa gudaha
dalka kashaqeeya. Xaalada adag ee wariyaasha ku
howlgalaan ayaan eheyn mid indhaha laga qarsan
karo, waxeyna taasi uga duwanyihiin wariyaashii
ka shaqeyn jiray warbaahinta Somaliya kahor
1991kii,ee ku shaqeynjiray nidaam iyo kala
danbeyn dowladeed. Halka kuwa hada jira aanan
waxaasba war u heynin looguna daray dilal
foolxun iyo xushmad dari, mana yaqaanaan meel ay
u dacwoodaan, balse waxey garowsanyihiin in mar
un uu imaandoono xisaabtan dhab ah sharcina lagu
kala bixidoono hadii lahelo nidaam dowli ah oo
cadaalad kudhisan.
Wariyaasha oo sanadihii ugudanbeeyay aad uga soo
cararay dalka kadib markii ay dareemeen in
laguraadjoogo qaar saaxiibadood ahna ladilay
halka kuwokale ladhaawacay waxeyna intooda badan
kusuganyihiin qaarkamid ah dalalka afrika mana
kuheestaan daryeel iyo waxbarasho mana jiraan
hay’ado wali wax u qabtay iyagoo wali xoogooda u
huraya ushaqeynta shacabkooda, sikastaba
ha’ahaatee wariyaasha ayaa looga baahanyahay in
ay muujiyaan da’daal dheeraad ah uguna
shaqeeyaan diintooda dadkooda iyo dalkoodaba si
cadaalad ah waayo saxafadu waa awood muuqata
waana seef laba af leh, balse waa in markasta
wanaaga ay kashaqeeyaan maadaama waajib uu
kasaaran yahay dalkooda hooyo ee colaaduhu
halakeeyeen.
W.Q. Zahra Mohamud Koronto (Keeyf)
sahrakeef@hotmail.com |