English   Somali  

   

 
WARARKII UGU DAMBEEYEY  
 



 

Dibaatooyinka ay shaqaalaha warbaahintu la kulamaan.  
Dhinacyada isaga soohorjeeda siyaasada Somalia ayey shaqaalaha warbaahintu  kala kulmaan dhibaatooyin baaxadweyn sida dilal bareer ah,  dhaawacyo, xarig, jirdil, iyo hanjabaadyo joogta ah maadaama ay dhincayad oo dhan  u cuntameynin marnaba in xaqiiqda lagasheego hardankooda siyaasadeed iyo dhibaatada ay bulshada kuhayaan runkasheegida waxa dhacayana u arkaya mid iyaga laguwaxyeeleynayo , iyadoo saxaafadu aytahay awooda 4raad ee dalka ayaanay siyaasiinta somaliyeed tixgalinin xuquuqda saxafiyiinta iyo xuriyada hadalka manajirto cidkalaxisaabtameysa arinmahaasi.

Inkastoo wariyaasha somaliyeed qudhoodu lagu xanto inaanay runta kasheegin waxyaabaha jira una xagliyaan beelaha ay kasoo kala jeedaan taasoo aanan sal ku laheen shuruurcda saxaafadeed iyo anshaxa waxaana taasi keeni karta aqoonta saxaafadeed ee saxafiyiinta somaliyeed qaarkood oo liidata. Waxey saxafiyiinta sidookale dhibaato qarsoon kala kulmaan milkiilayaasha warbaahineed oo ah kuwo aan aqoon duruqsan u laheyn saxaafada balse xaruumaha u furtay qaab ganacsi kuna tunta xuquuqda shaqaalaha, iyagoo inta badan ku amra meel marinta ama baahinta hadafkooda siyaasadeed. Waxey wariyaasha qaar helaan mushaar anay kufilneen halka kuwa qaar aananba helin mushaar kuna shaqeeya iskaa wax u qabso.

Sikastaba ha’ahaatee dhalinta kujirta mehnada saxaafadeed ayaad moodaa in waayadaan danbe iskudayayaa sidii ay uga hoos bixi lahaayeen awooda milkiilayaasha goobaha warbaahinta iyagoo lasoo baxay madaxbanaani shaqsiyadeed oo ay  ku sameysanayaan websiteyo iyo jaraaidyo ay kubaahinayaan aqoontooda saxaafadeed,  iyagoo tabiya xaqiiqda  jirta ee dunida kadhaceysa, gaar ahaan Somaliya. Wariyaashu waxey sheegeen iney ku faraxsan yihiin wariyaal hadana ah milkiilayaal si loohelo warar sugan loogana  baxo dhibaatada baaxada leh ay wariyaasha somaliyeed ku shaqeeyaan, waliba kuwa gudaha dalka kashaqeeya. Xaalada adag ee wariyaasha ku howlgalaan ayaan eheyn mid indhaha laga qarsan karo, waxeyna taasi uga duwanyihiin wariyaashii ka shaqeyn jiray warbaahinta Somaliya kahor 1991kii,ee ku shaqeynjiray nidaam iyo kala danbeyn dowladeed. Halka kuwa hada jira aanan waxaasba war u heynin looguna daray dilal foolxun iyo xushmad dari, mana yaqaanaan meel ay u dacwoodaan, balse waxey garowsanyihiin in mar un uu imaandoono xisaabtan dhab ah sharcina lagu kala bixidoono hadii lahelo nidaam dowli ah oo cadaalad kudhisan. 

Wariyaasha oo sanadihii ugudanbeeyay aad uga soo cararay dalka kadib markii ay dareemeen in laguraadjoogo qaar saaxiibadood ahna ladilay halka kuwokale ladhaawacay waxeyna intooda badan kusuganyihiin qaarkamid ah dalalka afrika mana kuheestaan daryeel iyo waxbarasho mana jiraan hay’ado wali wax u qabtay iyagoo wali xoogooda u huraya ushaqeynta shacabkooda, sikastaba ha’ahaatee wariyaasha ayaa looga baahanyahay in ay muujiyaan da’daal dheeraad ah uguna shaqeeyaan diintooda dadkooda iyo dalkoodaba  si cadaalad ah waayo saxafadu waa awood muuqata waana seef laba af leh,  balse waa in markasta wanaaga ay kashaqeeyaan maadaama waajib uu kasaaran yahay dalkooda hooyo ee colaaduhu halakeeyeen. 

W.Q. Zahra Mohamud Koronto (Keeyf)
sahrakeef@hotmail.com

 
 
 
 
 
 
 
 
 
Home | About us | Members | Programs | Reports | Feedback | Contact Us
Copyright © by WOJA All Rights Reserved
Designed and Hosted by Afrotech