|
Ururka
gabadhaha WOJA oo xusay 8da Maarso
Dhaq dhaqaaqa
haweenka saxfiyinta somalia ee marka magacooda
la soo gaabiyo loo yaqaan (WOJA) ayaa maanta
xus u sameeyaya munaasabada (8 da) maarso kaas
oo ka hacay xarunta DR ISMAEL JIMALE ee
xaquuqda aadanaha.
Munaasabadan
oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa
ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada
ra yidka ay ka kooban yihiin ayadoo ay ka
hadleen hoolka ay ka dhacaysay xafladan
Gudoomiyaha Golaha Saxaafada Qaranka
Somalia(YUSUF ALI OSMAAN FAREEY)oo sheegay in uu
uga mahad celinayo gabdhaha suxufiyiinta ah ee
ururka WOJA is xilqaamida iyo
baraarujinta maalmaha muhiimka u ah umada
Somaliyeed waxana uu ka codsaday Haweenka
Somaliyeed in ay markasta u tagnaadaan
horumarka Bulshada waayo buu yiri Haweenku waa
isha bulsha kasta laga arko.

WOJA waxay xustay maalinta haweenka aduunka
Kaddib waxaa ka hadashey gudoomiye ku xigeenka
ururka WOJA (SAHRO C\LAAHI YUUSUF) oo sheegtay
in maalintaan ay tahay maalin weyn loona baahan
yahay ineey dadka Soomaaliyeed siiyaan tixgalin
gaara sababtoo ah Haweenka Soomaaliyeed waxeey
waxbadan ka dadaal badan yihiin Haween weynaha
Adduunka waxayna u soo dhabar adeygeen
dhibaatooyin faro badan xili aad u dheer.

Masuuliyiintii kaloo halkaas ka hadashey waxaa
ka mid ahaa (NADIIFO MAXA.UD YUUSUF)oo ka tirsan
gudiga fulinta ee INNXA iyo waliba XARUNTA
DR.ISMAIL JIMCALE OSOBLE waxayna sheegtey in
Haweenku yihiin dhibanayaal oo ay iyagu raga
koriyaan isla markaana ay dhibku iyaga ku dhoco
ugu danbayna waxey ugu baaqday Haweenka iney u
guntadaan sidii ay meel uga soo jeesan lahaayeen
kuwa fidno wadayaasha ah ee weli sii hurinaya
colaadda masuul kale oo ka socda HEY,ADDA
GOLOBAL FAN ayaa u mahad celiyay ururka WOJA is
xilsaarka arimaha bulshada kuna cel celiyaya in
aysan ka caajisin shaqada ay bulshada u hayaan.

Haween farabadan ayaa kasoo qaybgalay
munaasabada 8 Maarso
Ugu dabbayntii waxaa WOJA ugu hanbalyeeyay
hawsha ay u hayaan bulshada wasiirka warfaafinta
ee dawlada midnimada qaran (FARXAAN MAXAMUD
ALAI) sidoo kale munaasabada waxaa ka hadlay
Haweenkii ka soo qayb galay oo si farxad ay ku
dheehan tahay ku cabiray fakradahooda isla
markaan ay Haweenku isugu hambalyeeynayeen
munaasabada maalinta Haweenka Aduunka.
W/D: Fardowso SHeekh Xasan
(Kuriya) |