|
Wariyayaasha ku Sugan Goobaha Dagaalka iyo
Anshaxa Saxaafada (Talo soo jeedin).
Qoraalkan
aadka u kooban waxaan ugu tala galay oo kaliya
inaan talo usoo jeediyo saxafiyiinta, sawir
qaadayaasha, iyo Tifaftirayaasha saxaafada
socod baradka ah ee somalia ee ku shaqeeynaayo
xaalado aad u dhib badan iyo duruufa ay
adagtahay in saxaafadu ku kobocdo misna ka guul
gaadho hadafka ay higsanayso oo ah in dadka
laga haqab tiro warar, faalloyin, iyo maqaalo ka
turjumaya waxa ka socda dalka. Qoraalka maha mid
ku socda Baraha internet ka iyo Wargaysyada u
adeega danaha kooxo gaar ah.
Maalmihii la soo dhaafayay qurba joogta
Soomaalida waxay garwaaqsatay muhimada qalabka
wabahinta u leeyahay bulshada wargalinteeda.
Waxay isha ku hayeen daqiiqad kasta waxa baraha
internetka ugu afka dheer kuwa Somalida ka
qoraan dagaalka siyaasada daba ku hayo ee dalka
ka qarxay.
Soo tabinta dagaalka iyo xaqiiqda dhabta ah ee
meesha ka jirta looma simanayn. Saxaafada qaar
waxay ahayd kuwa usoo gudbinaayo dadka gobaha
dagaalka ka dheer jooga sawir macne u samaynaayo
. maxaa dhacay? Yaa ku hardamaya dagaalka?
labada dhinac meeqaa ka dhimatay? Maxaa dhaawac
ah? Dhul intee la eg ayaa lagu kala qabsaday?
Dadka Rayidka ah maxaa khasaare ah oo soo
gaaray? Yaase looga itaal roonaaday dagaalkan
culimada waa wayn ee soomaaliyeed ku sheegtay
mid fitna ah?
kuwa kale ayaa bilaabay inay lumiyaan
dhexdhexaadnimadii saxaafada looga bartay iyaga
oo siyaabo kala duwan ula kala saftay kooxo gaar
ah taasi oo macnaheedu yahay qarinta jabka
kooxdu u webkaa sida gaarka ah u taageero iyo
buunbuuninta jabka kooxda kale haleelay.
Meeqa Murtad ayaa bakhtiyay? Maxaa ka shihiiday
koox hebel? Iyo ereyo kale oo an haboonayn in
xilligan lagu hadaaqo.
Aan usoo dago biya dhaca qormadan aan ugu magac
daray “TALO SOO JEEDIN” ee ku socota
bahda ku lug leh warbaahinta dalkeena hooyo.
Intii dagaalkan Muqdisho ka qarxay bilowday
waxay saxaafada soo bandhigaysay sawirro naxdin
leh kuwaa oo aan saluugay soo bandhigidooda.
Waxaan arkay wiil Soomaaliyeed oo xiran dharka
ciidanka dawlada oo loogu yeeraayo “MURTAD”.
Waxan arkay mid kale oo cimaamad wato oo la
bahdilaayo. Iyada oo aan ognahay ka saxaafad
ahaan dagaalkani yahay mid hooyo Soomaaliyeed
ku gablamayso wiilasheenana ay ku dhimanayaan
ayaan hadana u bareernay inaan maydkiisa oo yaal
goobta dagaalka Kaamarad la raacno oo Sawiro
naxdin leh ka soo qaadno.
Intii uu bilowday isticmaalka aaladan sawirada
lagu qaado mawduucan waa mid dunida oo dhan lagu
kala qaybsanyahay. Saxafiyiin waa wayn ayaa qaba
in dadku xaq u leeyihiin inay ogaadaan wax kasta
oo dhacaayo saxafiguna xaq uleeyahay inuu dadka
usoo bandhigo waxa uu shakhsi ahaan la kulmay.
Kuwa kale ayaa qaba inaysan anshax ahaan
haboonayn sawirka mayd yaalo goob dagaal in la
qaado.
Wariyayaal badan oo ku dhiiraday falkan
xilliyadii Maraykanku ku jiray dagaalkii 2aad ee
dunida, kii Vietnam, iyo kan hada ka socda dalka
Ciraaq iyo Afghanistan waxay la kulmeen
canbaarayn ba’an, qaarkoodna waxaa lagu abaal
mariyay in lagu magacaabo khaa’inul wadaniyiin.
Kuwa ayaa ku mutaystay in loogu hanjabo dil.
Dadwaynaha Maraykanku waxa ka simanaayeen marka
laga reebo tiro aan badnayn in hal meel looga
soo wada jeesto sawir qaadihii soo sawira gabdho
iyo wiilal xiran direyska ciidanka Maraykanka,
gudanayana waajib dalkiisa ka saaran.
Anshaxa saxaafada waa muhiim waana udub ka mid
ah tiirasha ay ku taagantahay saxaafada casriga
ah sidaa daraadeed waxaan rabaa inaan mid mid
ula hadlo sadexda kooxood ee aan kor kusoo xusay
oo aan isleeyahay way baajin karaan in
sawirradan foosha xun bulshada la dhex keeno.
Mudane Sawir-qaade
aniga oo ogsoon in aad xaq uleedahay qaadida
sawir kasta oo aad u aragto mid bulshada
anfacaayo, sharciga saxaafadana ku siinaayo
xuriyad kaamil ah oo aad ku duubi karto kuna
qaadi karto sawir kasta oo aan diinta ka hor
imaanayn waxaa haboon inaad iswaydiiso inta
aadan sawirin maydka yaalo furinta dagaalk waxii
aad ka samayn lahayd hadii qofkani yahay mid aad
taqaano waliba kuwayn qalbigaaga. Waxa aad
samayn lahayd hadii qof kani yahay mid kamid ah
eheladaada kuwa aad ugu jeceshahay. Waxaan
filayaa in jawaabtu maya tahay.
Hadii aad tahay qof qadarinaayo quluubta dadka
uu ka geeriyooday qofkan dagaalka ku dhintay ama
aqoonta gaar ahaaneed uleh waxaa kuu soo baxaayo
inaysan haboonayn inaad murugo galiso
quluubtooda. Sidaa daraadeed ka dheeroow inaad
wiil Soomaaliyeed oo maysdf ah sawirkiisa soo
qaado si dadku u daawadaan.
Mudane Wariye
maadaama hawshaadu tahay mid nagu wayn, dhagtana
aan u taagayno jabaqda kaa soo yeeri doonta
daqiiqad kasta waa inaad isku daydaa inaad ka
reebto warbixinta aan dhawrayno sawirada aan kor
ku xusay. Waa inaad dareenta inaad tahay qof
bulshada dhexdeeda ku leh maqaam. Waa inaad ka
fogaata dhaawaca quluubta dadka Soomaaliyeed ee
ka naxaya sawirada Wiilasha dagaalka sokeeye ku
dhimanaya ee”
Ma liibaanayasha
lagu liibaanay loogu magac daray.”
Mudane Tifaftire
waxaa tahay qofka ugu danbeeya ee miiskiisu ku
soo dhacayo sawiradan naxdinta leh, ha ahaado
film qof la tooganaayo, mid la gubaayo ama mid
ciida quruqriyay oo waa hore xabadi leeftay.
Waxaa tahay “ Gate-keeper” oo macnaheedu
yahay inaad sii dayn karto ama xanibi karto
warbixin kasta oo dhiillo xamnbaarsan iyo inaad
ka reebto qoraalka wariyaha kusoo gudbiyay wax
kasta oo aad u aragto mid khilaafsan Sharciga
iyo anshaxa saxaafada. Tifaftiruhu waa inuu
ilaaliyaa sidoo kale wararka lidka ku ah danaha
Dalkeena, Diintena, iyo Dadkeena.
Dunida
maanta kama jirto saxaafad dhexdhexaad ah. Mid
kasta waxay wax kasta ka hormarisaa danaha
qarankeeda “national interest” ama amniga
dalkeeda “national security” waxaase la
isku dhaafay sida anshaxa wanaagsan loogu
dabakhaayo saxafaada maanta jirta.
Mudane
Tifaftire waa inaad kala saartaa ra’yiga
saxafiga iyo warka oo ah laba shay oo aan is
qaadan karin. Waa inaad u carbisaa Wariyayaasha
inay noqdana kuwa ku eg soo tabinta waxa dhacay,
meesha uu ka dhacay, sababta uu u dhacay, goorta
uu dhacay, iyo sida uu u dhacay.
Mudane tifaftire waa inaad ka dheraataa
isticmalka ereyo kooxo gaar ah ku hal qabsadaan
sida; Xukuumada Ridada, Khawaarijta,
Takfiirka, Ciidanka Alle, Cadawga ilaahay,
Mujaahid, Murtad iyo kuwa kale oo badan
maadaama dagaalka maanta socdo ay culimo
waawayn ku tilmaameen inuu yahay mid fitna ah
labada qolana aysan jirin mid isu aqoonsan kuna
qanacsan magaca loogu yeerayo.
Qore: C/nuur Maxmed Axmed
( c/nuur waa
Saxafi madax banaan oo wax ka barta kulliyada
Saxaafada ee Jaamicada International Islamic
University ee Islamabad waxaadna waxii talo ah
ugu diri kartaa nobleman254@hotmail.com) |